MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GANACSATADA DALKA QATAR LA QAATAY KULAMMO KU SAABSAN MAALGASHIGA SOOMAALIYA

Dooxa, May 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar iyo Ururka Ganacsatada Qatar ayaa u soo bandhigay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa ganacatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga.”

Dhankooda, Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya, iyagoo bogaadiyey guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top