MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHAGEYSTAY WARBIXIN KU AADDAN DHISMAHA HAY’ADDA XISAABIYEYAASHA SOOMAALIYEED (SICPA)

Muqdisho, Sebteembar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soosaarista xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda isaga oo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya.

Sawirro

May be an image of 2 people, people sitting and suit

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and suit

May be an image of 5 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 1 person and sitting

May be an image of 1 person, sitting and suit

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top