MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DEGMADA MAXAAS KULAMO KULA QAATAY SIYAASIYIINTA, WAXGARADKA IYO ODAYAASHA DHAQANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top