Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed ee maanta kusoo gabagaboobay magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyay sida midnimada leh ee ay Ummadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen baadinimada kooxaha Khawaarijta, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Munaasabaddan waxaa kasoo qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin soomaaliyeed.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top