MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CAAWA KU HOYANAYA DEGMADA CADALE

Cadale, Nofeembar 24, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirri-gelinaya Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacbiga u istaagay xoreynta deegaannada ay haystaan khawaarijta Alshabaab ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Cadale ee Hirshabelle.

Madaxweynaha oo kulammo xog-wareysi ah la qaatay bulshada iyo wax-garadka Cadale ayaa xusay rajada shacabka Soomaaliyeed ay maanta qabaan ee la xiriirta in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo sanaddo badan dib u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top