MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BULSHADA RAYIDKA AH KA DHAGEYSTAY TALOOYINKOODA KU AADDAN HIIGSIYADA QARAN

Muqdisho, Nofeembar 28, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.
Dhankooda, Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top