MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQDAY WARSHADAHA SOO SAARA QALABKA CIIDAMADA UGANDA

Kampala, Ogosto 9, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirri gelinaysa dalalka Gobolka iyo hal abuurka Shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinayey booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

Sawirro

May be an image of 10 people, people standing and outdoors

May be an image of 6 people and people standing

May be an image of 11 people, people standing and outdoors

May be an image of 12 people, people standing, footwear, suit and outdoors

May be an image of 10 people, people standing and indoor

May be an image of 6 people and outdoorsMay be an image of 12 people, people standing and outdoors

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top