MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MADAXTOOYADA KULA KULMAY GANACSATADA SOOMAALIYEED EE DALKA KENYA

Muqdisho, Juun 11, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.
Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.
Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top