MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN-DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA JABUUTI MUDANE ISMAACIIL CUMAR GEELLE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.

Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top