MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GUDOOMIYAY MAALINTII LABAD SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu lafa gurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiyada u xilsaaran soo dharaan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top