MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA ASMARA

Asmara, Luulyo 09, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Asmara waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo afar maalmood qaadanaysa ku tegay dalka Ereteriya, isaga oo wada-hadallo labo-geesood ah oo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeellan doona dhiggiisa dalkaas.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top