Muqdisho, Luulyo 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.
Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo waxsoosaarka dalkeenna.
Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasabboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka. Dalalka ku bahoobay dalladda bulshada geeska Afrika waxa ay kala yihiin; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.
Sawirrada hoos ka daawo.



