MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DIB UGU LAABTAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top