MADAXWEYNE XASAN OO KORMEERAY XERYAHA AY TABABARKA KU QAADANAYAAN CIIDAMADA BADDA IYO CIRKA SOOMAALIYEED EE KU SUGAN DALKA ERETERIYA

Asmara, October 9, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top