Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadley kaddib kulan miro-dhal ah oo ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, arrimaha Beni-aadannimada iyo la tacaalidda saaneynta isbaddelka cimmilada.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha wax ku-oolka ah ee DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dowlad-dhiska, iyaga hoosta ka xarriiqay muhiimadda in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Daawo hadalka labada masuul
Madaxweyne Xasan Sheekh “Qorshaheennu waa in dalka laga qaado Cuna-qabataynta hubka ee na saaran in ka badan 31 sano. Waxaan qabnaa in ay tahay xilligii saxda ahaa ee Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka”.