MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO KA QEYB GELAYA SHIR MADAXEEDKA IGAD AYAA GAARAY DALKA JABUUTI

Jabuuti, Juun 11, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaas.

Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top