MADAXWEYNE XASAN SHEEK MAXAMUUD OO KULAN-DOCEEDYO GAARGAAR AH LA QAATAY MADAXDA DALALKA : Rwanda, Ethopia, Burundi iyo Tanzania

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dal.

 

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethopia mudane Abey Ahmed oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, iyaga oo isla meel dhigay dardar galinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

 

Madaxweynaha oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

 

Kulamadan ayeey Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top