MADAXWEYNE XASAN OO WASHINGTON KULAMO KULA QAATAY MAS’UULIYIIN KA TIRSAN HAY’ADDA LACAGTA ADDUUNKA IYO BANKIGA ADDUUNKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

Deputy Managing Director Antoinette Sayeh greets President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud at IMF headquarters in Washington D.C on December 13th 2023.
IMF Photo/Kim Haughton

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top