MADAXWEYNE XASAN OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY HOGGAAMIYAHA SSC KHAATUMO MUDANE CABDIQAADIR AXMED FIRDHIYE.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top