MADAXWEYNE XASAN OO AY WEHELIYAAN MADAXDA GWQ AYAA KULAN LA QAATAY GUDDOONKA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la qaatay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kaas oo daba-socda miro-dhalka kulammadii Madasha.

Kulanka is-xogwareysiga ah waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare BJFS Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiye Ku-xigeenada Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar iyo Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, Guddoomiye Ku-xigeenadaAqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi Cali Xersi, Madxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top