Dhuusamareeb 22 Sibteember 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa kulan wadatashi ah oo looga arrinsaday dardar galinta dagaalka Khawaarijta la qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka ayaa markale adkeeyay in ummadda soomaaliyeed ay u midoobaan halka Cadow ee dalkeennu leeyahay.
Kulanka oo lagu taageerayay dagaalka Khawaarijta, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo garab istaagga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee dalka lagu xoreynayo ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.