MADAXWEYNE MUDANE DR XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAAMUUSAYA HALYEEYADII SOOMAALIYEED EE NAFTOODA U HURAY KA MIRA-DHALINTA HALGANKII XORNIMADA

Muqdishu, 01 Luuliyo, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda u huray ka mira-dhalinta halgankii xornimada dalkeenna iyo difaaca qaranka ayaa ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ayaa tilmaamay qiimaha ay inaga mudan yihiin wayneynta geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda Qarannimadeenna iyo kuwa hadda ku sugan jiida hore ee furumaha dagaalka si ay argagixisada Al shabaab uga ciribtiraan dalkeenna.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top