MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Muqdisho, Febraayo 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Saambiya Mudane Hakainde Hichilema iyo Gaana Mudane Nana Akufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top