MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Muqdisho, Diseembar 21, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Istanbuul kaga qayb galay Shirweynihii Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Shirweynaha oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Dalalka, Ruwaanda Mudane Paul Kagame iyo Liibiya Mudane Maxamed Al-menfi.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee u dhaqan dalka Turkiga iyo Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo takhasusyo sare ku samaynaya Isbitaallada Dalkaas, isaga oo ka dhegeystay war-bixinno ku saabsan xaaladdooda nololeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top