MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DALKA FINLAND

Muqdisho, Nofeembar 09, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirkka Tapiola.

Danjiraha Dowladda Finland Mudane Tapiola ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi. Waxa uuna Danjire Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta, Maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top