MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE BOQORTOOYADA SACUUDIGA

Muqdisho, Jannaayo 19, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.

Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mustafa Aadam Dagaal.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top