Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub Ee Hindiya

Muqdisho, May 29, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya Mudane Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee Dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah dalkeenna.

Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha Dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo u xaqiijiyey in uu kala kulmi doono shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed wada-shaqayn iyo soodhaweyn wanaagsan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top