Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Cabdinuur Maxamed Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Muqdisho, Sibteembar, 10, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay sii xoojineyso tallaabooyinkii hore ee ku aaddanaa awoodsiinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, hoggaaminta hay’adaha Dowladda iyo ka qeybgalka dib u dhiska dalka.

“Tallaabooyinka aan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed kaga qeyb galinayno maamulka iyo siyaasadda dalka waa kuwo muhiim u ah soo nooleynta rajadooda. Magacaabista Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo uu mutaystay Cabdinuur waxa ay muujinaysaa sida aan dhallinyarada Soomaaliyeed uga qeyb gelinayno dhammaan heerarka sare ee siyaasadda iyo Maamulka dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii. Cabdinuur waxa uu muddadaas kamid ahaa agaasimayaashii ugu wakhtiga dheeraa intii xukuumaddani jirtay taasi oo u soo jiidday sumcad uu ku mutaystay dallacsiintan si uu u sii dardargeliyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top