MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY XILDHIBAANNADA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho, Abriil 14, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midnimadooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo masuuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top