MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYAY GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA IYO KU-XIGEENKIISA

Muqdisho, Febaraayo 07, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeye muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top