MADAXWEYNE FARMAAJO OO TACSI U DIRAY XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA OO AABBIHII GEERIYOODEY

Muqdisho, Jannaayo 03, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamed Maxamuud Jaamac oo ahaa aabbaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Maxamed Maxamuud Jaamac uu ahaa shaqsi culimo ah oo cibaado iyo Alle ka cabsi badan lagu yaqaanney, waxa uuna si gaar ah tacsida iyo murugada geerida ula wadaagay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ubadka, qoyska iyo qaraabada, si gaar ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo aabbihii Marxuum Maxamed Maxamuud Jaamac uu ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top