Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda

Muqdisho, Diseembar 31, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixisay Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahiyaha ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top