Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga iyo Taliyeha Ciidanka Lugta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 10-ka, Oktoobar 2019.

Muqdisho, Oktoobar 10, 2019.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top