Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019.

Muqdisho, Oktoobar 01, 2019.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top