MADAXWEYNE FARMAAJO OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY CARRUURTA ENG MAXAMED CUMAR SAALIXI

Muqdisho, Oktoobar 16, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii aan ka gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna.
Faysal Maxamed Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey maamuska uu u sameeyey, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dacwadda Baddeenna.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in halyey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay Baal dahab ah wadaniyad, dal jacayl iyo ilaalinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalkeenna.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top