MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY MADAXDA MAAMULKA IYO LAAMAHA AMNIGA EE GOBOLKA BANAADIR

Muqdisho, Diseembar 22, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.

“Dalkeenna waxaa ku soo xoogeystay khatarta cadow ay tahay in aan si adag u wajahno, dhammaanteenna aynu u wada istaagno sidii aan uga badbaadin lahayn ubadkeenna. Cadowgaas oo ah Maandooriyaha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, waxa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.

Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top