Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Muqdisho, Sebtembar 10, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VilVilla Somalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top