MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIR SOOMAALIYEED OO TAKHASUS KU QAADANAYA DALKA TURKIGA

Istanbuul, Diseembar 21, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ka tirsan Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista ee Erdogan Muqdisho, kuwaas oo takhasus sare ku qaadanaya isbitaallada dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo ardayda la wadaagay dardaaran guud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay fursaddan waxbarasho ee ay heleen, baahida caafimaad ee ka jirta dalka, dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la tacaallidda xanuunka COVID-19 iyo dib-u-habaynta adeegyadii caafimaad ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhakhaatiirta ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha aqoon kororsiga ah ee ay heleen, si ay mustaqbalka ugu anfacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, una daboolaan baahiyaha caafimaad ee ka jira Dalka.

“Baahi caafimaad oo weyn ayaa ka jirta dalkeenna, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay idinka sugayaan in aad dalka uga faa’iideysaan aqoontan aad barateen, iskana ilaalisaan waxyaabaha duufsada qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u soo aada dibadda oo uu tahriibku ka mid yahay.”

Dhankooda, dhakhaatiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad naqay soo dhowaynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu u fidiyey, iyaga oo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoonta iyo waayo aragnimada ay ka heleen dalkan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top