MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY CIYAARYAHAN XASAN CAFIIF

Dooxa, Diseembar 02, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Xasan Cafiif oo kamid ah xiddigihii Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Kubbadda Cagta ee Horseed.

Madaxweynaha ayaa xusay sooyaalka iyo waayihii quruxda badnaa ee Xasan Cafiif uu ku lahaa Xulka Qarankeenn iyo Kooxda kubbadda Cagta ee Horseed oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid ahaa taageereyaasheeda, waxa uuna ku aammaanay doorkii uu ka soo qaatay horumarinta iyo shacbiyadda kubadda cagta ee dalkeenna.

Dhankiisa, ciyaaryahan Xasan Cafiif ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Qaranka kulankan iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu ugu sameeyey hoyga uu kaga sugan yahay magaalada Dooxa oo uu safar shaqo ku joogo.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top