MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA RUWAANDA

Istanbuul, Diseembar 18, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda Mudane Paul Kagame oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay Madaxweyneyaashu isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horumarinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoolasha labada Qaran ee Soomaaliya iyo Ruwaanda.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top