MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU BAAQAY IN SI SHURUUD LA’AAN AH LOO JOOJIYO COLAADDA BOOSAASO

Muqdisho, Diseembar 22, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryayaa inuu degdeg ugu booga dhayo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top