MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHADKA TALEEFOONKA KULA HADLAY MADAXWEYNAHA GOLAHA MADAXTOOYADA LIIBIYA

Muqdisho, Jannaayo 13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.

Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan-qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dalkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top