MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA WASIIRKII HORE EE WASAARADDA WAXBARASHADA

Muqdisho, Oktoobar 03, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ku geeriyootay Magaalada Columbus ee Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii Marxuumaddu ay ka soo qaadatay horumarinta Waxbarashada Dalka muddadii ay haysey Xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Alle ha u naxariistee khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada. Marxuumaddu, intii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxa ay door wanaagsan ka soo qaadatay Horumarinta mustaqbalka iyo Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top