MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA UGAAS XASAN UGAAS KHALIIF

Muqdisho, Febaraayo 23, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top