MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA UGAAS AXMED BARRE CALI

Muqdisho, Luulyo 14, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedka Galmudug geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali oo ku geeriyoodey magaalada Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ugaas Axmed Barre Cali uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top