Muqdisho, Maarso 30, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xidiggii Kubadda koleyga Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab uu ahaa xidig Qaran oo dalkiisa u soo hooyey guulo dhanka ciyaaraha kubadda Koleyga, isaga oo door weyn ka soo qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, waxa uuna soo saaray ciyaartooy waxtar u leh Xulka Kubadda Kolayga heer Qaran.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab waxa uu ahaa Xidig Qaran oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo saftay xilliyo kala duwan, isaga oo ka mid ahaa xidigaha Qarankeenna guulaha u keenay”
Madaxweynaha jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska qaraabada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia