MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM CABDULLAAHI COSOBLE SIYAAD

Ankara, Diseembar 20, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Dr. Cabdullaahi Cosoble Siyaad uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xilligii dowladdii dhexe dhawr jeer soo noqday Wasiir, soona qabtay xilal kale.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa xilka Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta. Marxuumku, sidoo kale waxa uu door wanaagsan ku lahaa dadaalladii dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top