MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA KU TIMID MARXUUM XASAN XAAJI MAXAMUUD GARWAYNE

Muqdisho, Oktoobar 03, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, Qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Garweyne) oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo door wanaagsan ka soo qaatay horumarinta Waxbarashada Somaliland.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne), si gaar ah waxaan tacsi ula wadaagayaa Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) oo uu Marxuumku aabbe u ahaa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top