MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYIHII GOLAHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Muqdisho, Maarso 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Shure Maxamuud uu kaalin muhiim ah ku lahaa hoggaanka bulashada Soomaaliyeed gaar ahaan adkeynta dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, marxuumka ayaa dadka iyo dalka u soo shaqeeyey xilliyadii adkaa.

“Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud, waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo qeyb ka ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka deegaannada koonfur Galbeed, Marxuumka ayaa muddo dheer u soo adeegayey bulshada gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku uu soo maray”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top