Muqdisho, Juun 3, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari oo dalkeenna ku soo mataley fagaareyaasha diblumaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in Danjire Yuusuf Al-Azhari uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo ka mid ahaa xeel-dheereyaasha siyaasadda iyo diblomaasiyadda dalkeenna, door muuqdana ka soo qaatay dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari. Marxuumka oo muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed ayaa kaalin mug leh ku lahaa in siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda dalkeennu ay ka muuqdaan fagaareyaasha caalamka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia